Dowlada ugaanda ayaa sheegtay in ay ciidamo udireyso dalka soomaaliya ay ka mid tahay , iyada oo ay hada ku sugan yahiin ciidamadeeda dalka iyo wadamo kale oo ka mida qaarada afrika
Ciidamadan ay dowlada Uganda daaha ka rogtay inay ku kordhineyso ciidamada Nabad ilaalinta ee kala jooga wadamada Soomaaliya iyo Africada dhexe,ayaa waxa sharuud kaga dhigtay in hadii ay suurta gal noqoto Midowga Africa uu ka dalbado in ciidamo ay ku tabarucaan, si ay kaga qeyb qaataan xasilinta wadamada dhibaatada badan ay ka taagan yihiin ee Soomaaliya oo ay ka jiraan kooxo ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya iyo mucaaradka dalka Africada dhexe oo maalmahii danbe isku sii fidinayay dhulal hor leh oo ay gacanta ku hayeen dowlada dalkaasi.
Henry Okello Oryem ayaa yiri “ hadii Midowga Africa uu nagu qasbo inaan ciidamo hor leh aan geyno Soomaaliya iyo Africada dhexe waan u direynaa,Uganda wax ay diideyso ama u jeedo ay leedahay malahan,waxaa naga go`an in aan la shaqeyno Midowga Africa inta karaan keen ah.”.
Henry Okello Oryem ayaa sheegay in xaalada dalka Africada faraha ay ka sii baxeyso oo mucaaradka ay ku sii fidayaan,si taasi looga hortagana uu sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan in ciidamada Nabad ilaalinta ay xoojiyaan. Waxa uu sidoo kale sheegay in wadamada Soomaaliya iyo Africada dhexe oo horay ciidamo ugu joogeen,ay haatan damacsan yihiin in sanadkaan cusub ay kordhinayaan taageerada ay siinayaan dowladahan.


