Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya oo kaabiga ku haya Degmada Baar Dheere | XOGMAAL.NET
05262013Headline:

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya oo kaabiga ku haya Degmada Baar Dheere

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa u dhaqaaqay dhinaca iyo Degmada Baar Dheere ee Gobolka Gedo halkaas ay gacanta ku hayaan Ciidamada Al-Shabaab.

Ciidamo tiro badan oo aad u hubeesan watana gaadiidka Dagaalka ay wataan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ayaa gaaray deegaano ku dhaw dhaw Degmada Baar Dheere ee Gobolka Gedo halkaas ay kawadaan dhaq dhaqaqayo Ciidan.

Ciidamada ayaana lasoo sheegayaa in ay qorsheenayaan in ay la wareegaan Degmada Baar dheere iyo Degmada Buur Dhuubo ee Gobolka Gedo oo ah labada degmo oo kaliya ay gacanta kaga hayaan Gobolka Gedo Xarakada Al-Shabaab.

Iyaad Cabdi Kaliil oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Dowlada Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay qorsheenayaan sida ugu dhaqsaha badan in ay Al-Shabaab kasaaraan Degmooyinka Baar Dheere iyo Buur Dhuubo.

Ciidamada Dowlada ay wehliyaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ayaa inta badan gacanta ku haya Degmooyinka Gobolka Gedo waxaana kaliya ka maqan gacantooda ayaa ah labada Degmop ee Baar Dheere iyo Buur Dhuubo.

What Next?

Recent Articles

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.