Baarlamanka oo doortay gudoomiyayaasha gudiyada Baarlamanka . | XOGMAAL.NET
05182013Headline:

Baarlamanka oo doortay gudoomiyayaasha gudiyada Baarlamanka .

Gudiyada ilaa doortay gudoomiyayaasha  ayaa waxa ay kala yihiin, gudiga beeraha hormarinta reer miyiga xoolaha iyo kheyraadka Badda, gudiga xaquuqul insaanka haweenka iyo arrimaha bini’aadannimada, gudiga wacyigalinta dhaqanka boostada iyo isgaarsiinta, gudiga Dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha, gudiga xeer hoosaadka anshaxa xasaanadda iyo daryeelka xildhibaanada iyo gudiga difaaca.

Waxaaana saxaafada la hadlay qaar ka mid ah gudoomiyeyaash gudiyadaasi la magacabay, gudoomiyaha gudiga xaquuqul insanka, haweenka iyo Arrimaha binn’aadanimada khadiijo Maxamed Diiriye ayaa saxaafadda uga warbixisay qaabka ay u dhacday doorashada iyadoona sheegtay in Maanta ay bilaabatay doorashada waxaana gudiga ay ka koobanyihiin 15 gudi kuwaas oo gudi waliba ay iska soo dhaxdooran doonaan Guddoomiye, ku xigeen iyo xoghaan.s

Sidoo kale waxaa isaguna warbaahinta la hadlay gudoomiyaha gudiga difaaca ee Baarlamaanka Xuseen Carab Ciise waxa uunatilmaamay in uu aad Ugu faraxsanyahay in uu yahay guddoomiyaha gudiga difaaca dalka taas oo uu horay uga soo shaqeeyay, isagoona intaasi raaciyay in uu ka Shaqeyn doono hormarka ciidamada dalka.

C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim “baqdadi” oo isaguna gudoomiye looga dhigay gudiga xeer hoosaadka anshaxa xasaanada iyo daryeelka Xildhibanada ayaaa tilmaamay in qorshiisa ugu horeeya uu yahay xaquuqda xildhibaanada.

Dooroshada gudoomiyehaasha kuxigeenadoo iyo xubnaha kale ee gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka ayaa ila iyo iminka socda waxaana Harsan ila sagaal gudi iyadoo shir gudoonka Baarlamaankana uu sheegay in maanta ah lasoo gaba gabeyn doono doorashada gudiyada.

What Next?

Recent Articles

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.