Koofur Afrika Oo Isku Diyaarisay Marti Galinta Koobka Qaramada Qaaradaha Ah Afrika Oo Bishan Furmaya | XOGMAAL.NET
05182013Headline:

Koofur Afrika Oo Isku Diyaarisay Marti Galinta Koobka Qaramada Qaaradaha Ah Afrika Oo Bishan Furmaya

Madaxweyne Jacob Zuma Ayaa Shaaca Ka Qaaday In Dowlada Koofur Afrika Iyo Shacabkeda Ay U Diyaar Garoobeen Marti Galinta Koobka Qaramada Qaaradaha Afrika Oo Dhawaan Si Rasmi Ah Ugu Furmi Doona Dalka Koofur Afrika

Jacob Zuma Madaxweynaha Dalka Koofur Afrika Oo Ka Qeyb Galayay Dabaaldag Lagu Qabtay Xarunta Weyn Ee Chief Albert Luthuli International Convention Centre Magalada Durban Ayaa Waxa Uu Hadalada Uu Meesha Ka Jeediyay Ahaayeen Inta Badan Dhiiri Galinta Ciyaartoodya Qaranka Isagoo Sheegay In Dowlada Iyo Shacabka Ay Taageera Weyn U Muujin Doonaan Qarankooda Bafana Bafana  Si Ay Guul Weyn Usoo Hoyiyaan

“Dowlada,Xiriirka Kubada Cagta Dalka Iyo Ururada Dalka Waxay Diyaar U Yihiin Marti Galinta Koobka Qaramada Qaaradaha Afrika Indhaha Caalamka Oo Dhan Ayaa Nasoo Eegaya Sida Dhacday 2010 Xiligii Aynu Marta Gilin Jirnay Koobka Aduunka Oo Aan Si Sharaf Leh U Gudanay Waajibaadkii Na Saarna Ee Ahaa Soo Dhaweynta Ciyaartooyda ,iyo Malaayiinka Qof Ee Tagaarayaasha Ah Iyo Sidoo Kale Marti Galinta Koobka Aduunka: Sidaasi Waxa Yiri Madaxweyne Jacob Zuma

Hadaba Xulka Qaranka Dalka Koofur Afrika Bafana Bafana Ayaa Haatan Isku Diyaarinaya Magalada Cape Town Oo Tababar Dheeraad Ah Ay Kusoo Qaadanayaan

Tabaraha Xulka Qaranka Koofur Afrika Bafana Bafana Gordon Igesund Ayaa Shaaca Ka Qaaday In Uu Kalsooni Weyn Ku Qaba Xulkiisa Isagoo Soo Xushay 23 Ciyaartooy Ee U  Safan Doona

19 Bishan Aynu Ku Jirna Ayaa Lagu Wada In Koobka Qaramada Qaaradaha Afrika Uu Si Rasmi Ah U Furma Waxana Ka Qeyb Galayaan 16 Xul

Koobkan Ayaa Qorshaha Waxa Uu Ahaa In Lagu Qabta Dalka Liibya Balse Dagaalada Ka Jira Awgeeda Ayaa Koofur Afrika Loogu Soo Wareejiyay

Xulka Qaranka South Africa Bafaana Bafaana Ayaa Sanadkii 1996 Qaaday Koobka Qaramada Qaaradaha Afrika Xiligaas Oo Koofur Afrika Ay Marti Galisay

Hadaba Xulalka Ayaa Isku Arki Doona Wareega 1-Aad Sida Tan

Africa Cup of Nations – Group A

South Africa V Cape Verde Islands

Angola V Morocco

Africa Cup of Nations – Group B

Ghana V Congo DR

Mali V Niger

Africa Cup of Nations – Group C

Zambia V Ethiopia

Nigeria V Burkina Faso

Africa Cup of Nations – Group D

Ivory Coast V Togo

Tunisia V Algeria

La Soco Qeybta Labaad Ee Ah Wareegayada Xulalka  Ay Isku Arki Doonaan

Omar Kiyow

Koofur Afrika

What Next?

Recent Articles

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.