Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kusugan Dalka Sudan lana hadlay Jaaliyada iyo Ardayda Soomaaliyeed ee kusugan Dalkaasi ayaa baaq u diray Dhalinyarada Wali Shabaab u dagaalameysa.
Madaxweynaha ayaana ugu baaqay Dhalinta Al-Shabaab hubka u wada in ay hubka dhigaan ayna nabada qaataan isagoona xusay hadii ay sidaa yeelaan in ay Dowlada wax badan u qaban doonto.
Madaxweynaha ayaana u balan qaaday dhalinyarada Shababa kasoo baxda in loo abuuri doono shaqooyin noloshada anfacda kuwii waxbarasho diyaar u ah ay Dowlada gacan kasiin doonto sidii mustaqbalkooda u dhisi lahaayeen.
Ma ahan Markii ugu horeeyay ee Madxada Dowlada baaq u diraan Dhalinayrada u dagaalanta Al-Shabaab inkastoo ay jiraan dhalinyaro tiro badan oo Shabaab katirsanaa oo ka faa’iideestay Cafiska Dowlada iskuna soo dhiibay Dowlada qaarkood ciidan laga dhigay halka kuwa kalana ay si caadi ah noloshooda u wataan.


