Mid ka mid ah masaajidada dalka Turkiga ayaa markii ugu horasay taariikhda dunida Islaamka soo bandhigay abaal marin la siin doono, dadka ku tukada qaar ka mid ah gaar ahaan carruurta barashada salaada iyo ku dhaqankeeda lagu barbaarinayo.
Masaajidkan oo ku yaala badhtamaha dalka Turkiga, ayaa Imaamkiisu warbaahinta u sheegay, in ilme kasta 180-Salaadood Oo Faral ah si joogto ah ugu tukada Masaajidkaa ay abaal marin u siinayaan, kaambuyuutar iPad noociisa ugu danbeeyay oo bilaash ah.
Imaamka masaajidkan ayaa sheegay in ilme kasta oo boqol iyo sideetan salaadood si joogta ah uga soo qayb gala uu mudan doono abaal marintan wiil iyo gabad midkuu doono ha ahaadee, kaas oo ah nooca loogu jecel yahay kaambuyuutarada Tablet-ka ah.
Warkan oo ay baahisay jariirada shabakada wararka “Hurriyet” ee ka soo baxda dalkaas, ayaa sheegtay in imaamka masaajidka degaanka ?Daily? oo lagu magacaabo, Yozgat Gabriel Ozturk, uu sheegay in ujeeda ay go?aankan u qaateen la xidhiidho sidii da? yarta loogu dhiiri galin lahaa loona jeclaysiin lahaa salaada iyo goobaha ciibadada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in muhiimada ugu wayn ee ay ka leeyihiin tahay sidii looga soo yara jeedin lahaa, internet-ka iyo aaladaha tignoolajiga casriga ah oo ay aad ugu mameen carruurtu wakhtiyadan danbe.
Imaamka masaajidku waxa uu sheegay in wiil kasta iyo gabadh kasta oo muddo bil ah boqol iyo sideetan salaadood si xidhiidh ah oo joogta ah uga soo qayb gala salaadaha faralka ah ee masaajidkaas, uu heli doono hal Tablet- oo iPad noociisa ugu danbeeyay ah, waxa kale oo uu xusay in kuwa ka yara gaabiya laakiin dedaal badan laga arko laftooda la siin doono kaambuyuutaro ay wadaagaan oo ka dhexeeya.
Imaamka oo la waydiiyay lacagta qalabkan oo ah mid aad u qaaliya oo badan, cida bixinaysa iyo halka ay ka heleen, waxa uu kaga jawaabay, oo uu sheegay in qaar ka mid ah dadka muxsiniinta ah ee masaajidka ku xidhani ay ku deeqeen, kuwaas oo u badan dadka xaafada uu masaajidkani ku yaala iyo ganacsatada qaarkood.
Faysal Maxamed Xasan



