Xayawaanada Sigaarka Caba oo kusoo badanaya Caalamka(Daawo Sawirada) | XOGMAAL.NET
05242013Headline:

Xayawaanada Sigaarka Caba oo kusoo badanaya Caalamka(Daawo Sawirada)

 

Xayawaano badan oo kala nooc ah islamarkaana caba sigaarka oo si saa’id ah ugu soo badanaaya meelo kala duwan oo caalamka ka tirsan, sida ay qoreyso jariirada the dailymail ee ka soo baxda dalka Ingriiska.

Xayawaanadaan ay soo qaadatay jariirada ayaa intooda badan ku nool wadamada kala ah China iyo Ruushka iyo weliba wadanka Thailand.

Dhuuqitaanka sigaar ayey bilaabeen xaywaanadaan ka gadaal marki milkiiliyaasha iyo ilaaliyaasha xerooyinka ay ku jiraan xaywaanadaan ay bareen sida loo dhuuqo sigaar kadibna ay ku noqotey mid ay qabatimaan.

Xaywaanadaan ayaa hada ahaan karin sigaar la’aan ayna qabaneyso xaraarad aad u daran isla markaana ay qasab tahay in ay helaan sigaar ay xaraarada iskaga jebiyaan.

Dhuuqida sigaarka ayey belwad u noqotey dadyow badan oo ku nool caalamka kuwaasoo ka dhaxla caafimaad daro iyo weliba mid dhaqaalo xumo.

Mustaf Cabdi Faarax (Mustafcarab)
Sweden –Karlstad
Mustafcarab22@hotmail.com







What Next?

Recent Articles

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.