Koofur Afrika”Boqolaal Muwaadiniin Soomaali Ah Oo Ku Xayiran Kadib Markii La Diiday In Lagu Baxo Waraaqadaha Go Home-ka Iyo Passaporka Soomaaliga | XOGMAAL.NET
05202013Headline:

Koofur Afrika”Boqolaal Muwaadiniin Soomaali Ah Oo Ku Xayiran Kadib Markii La Diiday In Lagu Baxo Waraaqadaha Go Home-ka Iyo Passaporka Soomaaliga

.

Boqolal Muwaadinin Somali Ah Oo Sanadkan Cusub Qorsheynayay Inay Dalkooda Hooyo Dib Ugu Laabtaan Ayaa Ku Xayiran Magaloyinka Dalka Koofur Afrika Kadib Markii Dowlada Koofur Afrika Gaar Ahaan Waaxda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha  Ay Gabi Ahaanba Joojisay Socdaalkii Somalida Ay Dalkoda Dib Ugu Laaban Lahayeen  Madama La Kansalay Islamarkane Dowlada Koofur Afrika Ay Diiday Waraqadaha Go Home-ka Iyo Pasaporka Somaliga Ah In Lagu Baxo,

Magaloyinka Ugu Wa Weyn Dalka Koofur Afrika Oo Ay Soomaalida Ku Xayin yihiin Ayaa Waxa Kamid Ah Johannesburg, Cape Town Iyo Port Elezabith , Xayiraada Dowlada Koofur Afrika Ay Saartay Socdaalka Somalida Ay Dalkoda Dib Ugu Laaban Lahayeen Ayaa Lo Sababeyay Ka Gadaal Markii Is Qab Qabsi Iyo Dacwad Iska Gudbiyeen Rag Muqalisiin Somali Ah Oo La Shaqeya Waaxda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Wadankan Kooofur Afrika Kuwaa Oo Lacaga Dulsaar Ah Ka Qaadan Jiray Qofka Soomaaliga Ee Doonaya Inuu Dalka Ka Taga

Qaar Kamid Ah Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Rajeynayay Inay Ka Tagaan Wadankan Oo Suxufiyiinta La Hadlay Ayaa Waxay Sheegeen In Dhawr Mar Isku Day Bixitaan Ah Ay Sameeyeen Ay Ku Guul Dareeysteen Xili Loo Diiday In La Siiyo Warqada Go Home-ka Waxaana Ay Shegeen In Xitaa Xabsi Ay Galeen Mudadii Ay Raadinayeen Warqada Go Home-ka

Hadal Haynta Soomaalida Koofur Afrika Ku Nool Ayaa Maalimaahan Danbe Noqotay Sidee Dalka Looga Bixi Karaa Wa La Diiday Go Home Wa La Diiday Pasaporka Soomaaliga Dhulka Maritaankiisane Aad Buu U Adagyahay Sababa La Xiriira Amaanka Wadamada Aad Mareeysa Oo Dhib Badan Aad Kala Kulmiyesid Iyo Safarka Oo Aad U Dheer

Si Kastaba Arintan Ayaa Noqotay Caqab Aad U Weyn Oo Saameyesay Soomaalida Sida Aadka Ah U Daneeyneeysa Inay Dalkooda Dib Ugu Laabtaan Mana Jirta Ilaa Haatan Cid Isku Xilqaantay In Dowlada Koofur Afrika Kala Hadasha Xayiraada Dhanka Socdaalka Ee Soomaalida Lagu Soo Rogay

 

 

Omar Kiyow

 

Koofur Afrika

What Next?

Recent Articles

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.