Kulankii maanta xildhibaanada ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mudane Mahad Cabdala Cawad goobjoogna ay ahaayeen 176 mudane.
Ajandaha kulankii maanta ayaa ahaa sameynta gudiyo joogto ah oo uu yeelanayo baarlamanka Soomaaliya waxaana gudiyadii la magacaabay ka mid ahaa gudiga dib u eegista iyo dhaqan galinta Dastuurka, gudiga maaliyada iyo la xisaabtanka miisaaniyada qorsheynta iyo iskaashiga caalami ah, gudiga xaqiiqo raadinta dib u eegista iyo hanti soo celinta iyo gudiyo kale iyadoona akhrinta kadib ay mudaneyaasha galeen dood dheer oo ay uga arinsanayaan magacaabista gudan cusub.
Dooda kadib ayuu shir guddoonka baarlamanka waxa uu ugu baaqay xildhibaanada in isla maanta ay ansaxiyaan waxaana cod gacantaag ah loo qaaday ogolaasha gudiyada cusub.
Mahad Cabdala Cawad guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka ayaa ku dhawaaqay natiijada waxa uuna sheegay in codka gacan taaga ah oo ay sameeyeen xildhibaanada ay ogolaadeen 167, 6 ay diiday halka 3 ay ka aamuseen sidaas daraadeedna uu ansax ku yahay gudigaas.
Shir gudoonka oo soo xiray kulankii maanta ayaa sheegay in maalinta Sabtiga ah haduu Rabiga Awooda leh ka raali noqdo la gali doono doorashada guddoomiyayaasha iyo kuxigeenada gudiyada baarlamaanka maalinta bari ahna la isla meel dhigi doono tala bixinta xildhibaanada ay soo jeediyeen, doorashada kadibna waxa ay mudanyaasha baarlamaanka gali doonaan fasaxooda sharciga ahaa.


