Raysal wasaaraha dalka Turkiga Rajeb Dayib Ordogan iyo xaaskiisa Aamina ayaa Axadii maanta booqasho ugu tagay, qoys qaxooti reer Suuriya ah oo sadex mataanood ugu dhasheen xero qaxoonti oo ku taala dalka Turkiga, sidoo kale raysal wasaaraha iyo xaaskiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay xeradaas, halkaas oo gacan qaad safaf dhaadheer u galeen.
Dhinaca kale Ordogan iyo xaaskiisa ayaa farxada la qaybsaday qoys qaxootiga ka tirsan oo sadex mataanood u dhasheen, kuwaas oo ay si gaar ah ugu booqdeen teendhadooda ku taala xerada qaxootiga, halkaas oo ay qoyskaas ku siiyeen balan qaadyo la xidhiidha taageero dawlada Turkigu u fidinayso.Sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen dadwaynaha ku dhaqan xeradaas oo aad u faraxsan, ayaa safaf dhaadheer u galay sidii ay u soo dhawayn lahaayeen, hogaamiyaha ay ugu jecel yihiin madaxda gobolka bariga dhexe gaar ahaan dalalka la jaarka ah Suuriya.
Raysal wasaaraha dalka Turkiga Rejab Dayib Ordokan ayaa ah hogaamiyaha ugu taageerada badan, mucaaridka dalka Suuriya, sidoo kale waxa uu taageero aad u saraysa dalkiisu u fidiyaa, qaxootiga tirada badan ee ka qaxay dalkooda.
Dadka ku dhaqan xerada qaxootiga ee uu booqday Rejab Dayib ayaa la galay sawiro xusuus ah, waxaanay ku dhawaaqayeen, noolow khaliifkii cusbaayee dunida muslimkoow, intii uu joogay xerada waxa ay dadka reer Suuriya ee qaxootiga ku ah xeradaasu ugu deeqeen, mid ka mid ah dhakra hidaha iyo dhaqanka ee ay xidhaan.
Dharkan oo ka kooban khamiis wayn oo midabka deerada leh oo dharka laga dul xidho, cigaal iyo cimaamad ayuu isla halkii ku xidhay, oo uu dadka ka salaamay isaga iyo islaantiisu meel loo diyaariyay, waxaanu aad uga mahad naqay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen.
Raysal wasaaraha Turkiga wuxuu qaxootigan wax ka waydiiyay xaaladooda nololeed iyo waxa ay kala socdaan dalkoodi ay ka soo qaxeen, dadka qaxootiga ah ayaa iyagoo farxad wayni ka muuqato uga mahad naqay raysal wasaaraha iyo dadka reer Turki soo dhawaynta iyo taageerada laxaadka leh ee ay siiyeen, iyaga oo tilmaamay in xaaladoodu aad u wanaagsan tahay daryeel fiicana ay helaan.
Faysal Maxamed Xasan




