Heyadda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa maanta si rasmi ah u joojisay howlihii adeega caafimaad ee ay ka waday lixdii sano ee la soo dhaafay isbitaalka magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.
MSF ayaa war ay dhowaan soo saartay ku shaacisay in marka la gaaro 31-ka bisha Disembar ee sanadka 2012-ka oo maanta ku beegan ay guud ahaan soo afjareyso adeegii caafimaad ee ay ka bixin jirtay isbitaalka B/weyne ka dib markii sida ay sheegtay ay soo wajahday dhaqaale xumo.
Shaqaalaha isbitaalka qaarkood oo la hadlay xogmaal ayaa sheegay in ayiyagu hoosha sii wadayaan ayna rajayanayaan in ay helan hay`ado kale oo buuxiya kaalinta ay banaysay MSF waxaan ay ugu baaqeen Dowlada dhxe ee dalka iyo wasaarada caafimaadka in ay gacanta ku qabato cusbitaalkaasi ugu weyn Gobolka hiiraan.
Heyadda MSF ayaa ayaa isbitaalka B/weyne ka caawin jirtay daawooyinka iyo dhinaca qarashaadka ku baxa isbitaalka sida mushaharka shaqaalaha iyo dhaqaatiirka Isbitaalka ka howlgala, waxaana aadeegaasi caafimaad ka faa’iideysan dadweyne fara badan oo isaga iman jiray degaano ku yaala gobolada dhexe.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee dowlada Somalia C/fitaax Xasan Afrax oo ka hadlay kulan dhaqaale loogu ururinayey isbitaalka B/weyne ayaa sheegay in maamulkiisi uu la wareegay isbitaalka uuna ku dedaalayo sidii isbitaalku uu shaqadiisa u sii wadan lahaa, isagoo ka codsaday dowlada Somalia iney arintaas gacan ku siiso.
MSF ayaa ka hoolgali jirtay goobo badan oo dalka ah waxaan qeybo muqdisho ka mida ay shaqdii ay ka haysaya joojisay bartamahii sanadkaan tana iyada oo horayna uga baxaday Qeybo ka mida Galgaduud.


