Magacyada Tahriibayaashii ku dhintay Liibiya oo la shaaciyay iyo Sawirada inta nool oo lasoo bandhigay(Daawo Sawirada) | XOGMAAL.NET
05182013Headline:

Magacyada Tahriibayaashii ku dhintay Liibiya oo la shaaciyay iyo Sawirada inta nool oo lasoo bandhigay(Daawo Sawirada)

Safaarada Soomaaliyeed ee Dalka Liibiya ayaa soo bandhigtay Magacyada iyo Sawirada Qaar kamid ah Tahriibayasahii Soomaaliyeed ee k u dhintay Shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Magalaooyinka Liibiya iyo Ajnabiya iyo kuwa ka badbaaday Shilkaasi.

Safiirka Soomaaliya ee Liibiya C/Qani Waceys ayaa booqday halkii uu shilku ka dhacay iyo gaarigii shamiindada waday ee  ku dhintay tahriibayaasha ka badnaa 20-ka qof.

Tahriibayaashii badbaaday ayaa qarkood la dhigay Isbitaalada kadib markii ay dhaawacyo soo gaareen halka kuwii kalana la dhigay xabsi kuyaala Liibiya halkaas ay wali ku xiranyihiin.

 

Magacyada meydadka Ragga

1) Cali Cabdulle Xirsi
2) Xasan Cismaan Jeylaani
3) Max’ed deeq Barqad Cali
4) Cabdi Raxiin
5) Askar
6) Muuse
7) Sugaal
8) Saciid
9) Axmed
10) Axmed Qadar

Magacyada meydadkaHaweenka

11) Sacdiyo Max’ud Xasan
12) Saamiyo
13) Yaasmiin
14) Dahabo
15) Xaawo
16) Aasiyo Cismaan Maxamed.

Shilka dadkaani ay ku dhamaadeen oo dad badan oo kale uu dhaawac kasoo gaaray ayaa waxa uu ahaa kii ugu xumaa taariikhda dhaw iyada oo uu rogmaday gaari ay lasocdeen tahiibayaasha oo dusha looga guray Shamiido si tahriibayaash ciidamada amanka looga qariyo






What Next?

Recent Articles

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.