Alshabaab oo ku hanjabay in ay dib uqabsan doonaan shabeelada dhexe. | XOGMAAL.NET
05202013Headline:

Alshabaab oo ku hanjabay in ay dib uqabsan doonaan shabeelada dhexe.

Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe ee Xarakada Al-Shabaab Shiikh Yuusuf Shiikh (Kabo-kudukade) oo ka hadlayey warbaahinta taageerta alshabaa ayaa shaaca ka qaaday iney wadaan abaabulo iyo qorsheyaal milateri oo dagaalo rogaal celis ah ay ugu soo qaadayaan degaano gacantooda ka baxay oo ka tirsan gobolka shabeelada dhexe.
Kobo –ku dukade ayaa waxaa uu yir “ Mujaahidiinta xeelado dagaal awgeed ayey markii hore uga soo baxeen meelo ay ka mid yihiin Balcad iyo Jowhar, haatana waxaa jira qorsheyaal lagu weeraraayo cadowga degaanadaas soo galay”.
Gudoomiyaha shabaab ee shabeelada dhxe ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Shdhexe iney ka qeybn qaataan dagaalo uu Jihaad ugu yeeray oo lagula jiro ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, ayna iska xoreeyaan ciidamada sida uu sheegay oo duulay oo uu ku eedeeyey iney dil, dhac kufsi ka geysteen degmada Balcad iyo magaalada Jowhar.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Somalia ayaa dhowaan la wareegay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe oo illaa 100 km u jirta magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka dib markii ay ka baxeen xoogagii Al-shabaab ee mudada dheer ka talinayey, waxaana ka sii horeeeyey degmada Balcad iyo degaano kale oo gobolkaasi ka tirsan.

What Next?

Recent Articles

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.