Natiijooyinkii maanta Horyaalka ingiriiska +sawiro | XOGMAAL.NET
05212013Headline:

Natiijooyinkii maanta Horyaalka ingiriiska +sawiro

Manchester united oo hogaankeedii adkeesay kadib markii ay 2 iyo 0 uga adkaatay West Bromwich Albion oo marti ugu eheyd Old Trafford , waxaa sidoo kale badiyay Manchester City oo ku garaacday Norwich City gurigeeda 4 iyo 3 .

waxaa mar kale laga badiyay Aston Villa oo looga adkaaday gurigeeda ayaa ciyaartii maanta kusoo gabagabowday 3 iyo 0 oo sidaas ay guusha kuraacday Wigan , waxaana laga dhaliyay 15 gool 3dii kulan ee ugu dambeesay .

Totenham ayaa laba iyo hal uga badisay Sunderland . Kooxda Reading ayaa guusheedii 1aad gaartay kadib markii ay maanta 1 iyo 0 kuquusiyeen West ham United waxeyna goolka qura Dhaliyeen iyadoo ciyaarta socota 5 daqiiqo oo kaliya waxaana usaxiixay ciyaaryahanka Pavel Pogrebnyak .

kulanka kaliya ee bareejada kusoo dhamaaday maanta waxa uu ahaa kulankii dhexmaray Stoke City iyo Southampton waxeyna ciyaarta kusoo dhamaatay 3 iyo 3. Ciyaartii lawad sugaaye ee dhexmari rabtay Arsenal iyo Newcastle United ayaa kusoo dhamaatay 7 iyo 3 waxaana Hat-trick u dhaliyay Ciyaaryahanka uu muranka kujiro inuu sii joogi doono xilli ciyaareedka dambe ee Theo Walcott

What Next?

Recent Articles

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.