Waxaa Maanta si Toos ah loo soo dhamaystiray Dhigistii Cawska Garoonka Koonis Stadium ee Caasimada Somalia iyadoo Qaar kamid Ah Madaxda Xiriirika Kubada Cagta Somalia ay Gacantooda ku Fidiyeen Qaybtii ugu dambaysay Dhigista Cawska ee Garoonka
Waxaa Maalmihii La soo Dhaafay shaqo adag ka socotay Garoonka Labaad ee ugu Dalka Somalia ugu weyn ee Banaadir Stadium taasoo ahayd Fidista Cawska Garoonka Waxaana in badan oo dadka Somalia ah aad u sugayeen inay Arkaan Arintan Maanta La soo gaba gabeeyay.
Madaxda Xiriirka Kubada Cagta Somalia ay ka qayb gashay Maanta Fidinta Cawska qaybtii ugu Dambeeysay Waxaa Kamid ahaa.
Xogoyaha Guud ee Xiriirka kubada Cagta Somalia
Cabdi Qani Siciid Carab
Madaxa Tartamada Xiriirka Kubada Cagta
Cali cabdi Maxamed Cali shiino
Sidaana Maanta Waxaa Lagu soo gaba gabeeyay Dhigista Cawska Mid kamid Garooma ku yaal Caasimada Somalia ee Muqdisho.
Waxaana Arintan aad ugu Farxay Dadka Somalia Qaybtooda Jecel Sports-Ka maadaama Garoonku uu kamid Naqday Garoomada Cawska Leh ee Caalamka ,waxaana la filaya ain dhawaan ciyaaro kala duwan lagu qabto.










