Hotel uqaab eg habdhiska dheefshiidka Bani`aadamka
Hadii aad hada ka hor ku jaha wareersanayd in aad ogaato ama garato halka uu raashinku maro marka aad afka galiso? Iyo marxaladaha kala duwan ee uu jirka ku maro? Uma baahnin in aad su`aashaas lagaaaga jawaabo waxaad daawataa sawirada ama tag hadii ay suura gal kuu tahay Biljimka.
Hotel laga hir galiyay Wadanka Biljimka oo lagu magacaabo Kasanz ayaa waxaa uu noqday hoteelka ugu hadal haynta badan deegaanka uu ku yaalo, taasi oo ay ka dhigayso qaabka uu usameeysan yahay .
Hoteelka ayaa loo ekeysiiyay Habdhiska dheefshiidka Bani`aadamka laga bilaabo afka ilaa iyo halka ugu danbaysa ee laga saxaroodo ka gaarayo cunada ay dadku cunaan.

















