Xukun iyo Xil ka qaadis lagu sameeyay Sargaal sare oo katirsanaa Ciidamada Dowlada | XOGMAAL.NET
05242013Headline:

Xukun iyo Xil ka qaadis lagu sameeyay Sargaal sare oo katirsanaa Ciidamada Dowlada

 

 

Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun xabsi daa’in ah iyo xil kaqaadis ku sameesay Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliya kadib markii lagu helay dambiyo dhoor ah.

 

Maxkmada ayaana maanta u fadhiisatay Eedeemo loo heestay rag ay kamid ahaayeen Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Somalia Cabdi Maxamed Ismaaciil (Indha Buur) iyo sidoo kale agaasimihii garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Ragan ayaa lagu helay in ay siidaayeen Rag katirsanaa AL-Shabaab oo horey xukuno loogu riday sidoo kale dalacsiin darajo siiyeen Rag katirsan Al-Shabaab una sameeyeen ID-Carka Ciidamada ASluubta Soomaaliyeed.

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Somalia Cabdi Maxamed Ismaaciil (Indha Buur) ayaa waxaa lagu riday Xukun Xabsi Daa’in ah iyadoona laga xayuubiyay dhamaan darajooyinkii ciidanka lagana mamnuucay in uu dambo Ciidanka ka mid noqdo.

Sidoo kale agaasimihii garsoorka maxkamadda ciidamada Xasan Liibiya ayaa isna lagu riday Xukun 5-Sano ah kadib markii lagu helay in uu ku gacansiiyay dhamaan eedeemaha lagu helay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Xukunkan  ay Maanta ay riday Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa fariin cad u ah in uu jiro la xisaabtan dhanka Saraakiisha ah oo inta badan lagu eedeeyo wax isdaba marsi iyo in ay laaluush kusii daayaan rag Dambiilayaal ah.

What Next?

Recent Articles

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.