Sidee ku kasban kartaa Saaxiib ama Saaxibad Qaaliya | XOGMAAL.NET
05192013Headline:

Sidee ku kasban kartaa Saaxiib ama Saaxibad Qaaliya

Waxa aad u baahan tahay  in aad leedahay qof aad saaxiib la tahay. Saaxiibad daacad kuu ah oo ku caawisa marka aad ku jirto xili adag oo aad si wayn ugu baahan tahay caawinimo.Adiguna aad sidoo kale u gargaartid ayda marka ay dhib ku jirto.

Waa lama huraan in aad leedahay saaxiibad kula qaybsanaysa dhibka iyo dheefta.

Ma aha mid fudud in aad heshid saaxiibo dhab ah sidaa darted waa in aad u ilaalisaa saaxiibtinimada sida aad u ilaaliso xiriirka kale ee  aad la leedahay qaraabadaada iyo jacaylkaaga.

Hadaba ayada oo ay badan yihiin arimaha aad ku kasban kartid saaxiibad ayaa waxa aan ku soo koobnay seddex arimood oo aad u muhiim ah in aad sameeysid, kuwaas oo kala ah:

Gargaar..

Soo siyaaro hadii ay saaxiibdaa jiran tahay, la joog hadii qof ka geeriyoodo, caawi hadii ay kala tagaan lamaanaheeda  oo maraq u samee marka ay jiran tahay.

Saaxibadaa ka hormari arimo badan

Waxa ay gabadhu ilowdaa saaxibadeed marka ay gasho waqti adag. Taas oo sababta in arimaha kale ee la soo gudboonaada ay ka muhiimsanyihiin saaxibadeed. Sidaa darteed waa in aad qiimaysaa saaxibadaa oo aanad ilaabin.

Waa in aad cafisaa!

Adigu hadii aad u dulqaadan waydo saaxibadaa oo aanad fahmin ogow in ay ayaduna ku cafinayn. Hadii aanad ka sugayn in sayigaagu uu noqdo mid dhamaystiran maxaad uga dhigaysaa shuruud saaxiibadaa in ay ayadu taas noqoto.

 

W/Q Maxamed Sadiiq (Super Boy)

What Next?

Recent Articles

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.