Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Max’uud oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib Safar uu ku tagay dalka Turkiga ayaa Saxaafadda ugga warbixiyay Kulamadii uu la soo qaatay Madaxda ugu sareysa dowladda Turkiga.
Xasan Sheekh Max’uud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Madaxda dowladda Turkiga ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka udhexeeya labada dowladood ee turkiga iyo Soomaaliya iyo sii xoojinta iskaashiga dhinaca ammaanka labada dhinac isagoona tilmaamay in ay kawada hadleen Mashaariicda dowladda Turkiga ay ka waddo Soomaaliya .
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in arimihii ay kawada hadleen ay isku afgarteen Madaxda dowladda Turkiga hirgalintooda isagoo uga Mahadceliyay Turkiga howlaha ay ka wadaan Soomaaliya.
Xasan sheikh maxamuud ayaa safar mudo dhoor maalmood ah qaatay waxaa uu ku tagay wadanka turkiga isaga oo ay kulamo toos aha wada yeesheen madaxda ugu sareysa dalkaasi turkiga.


