Madaxweynaha Soomaaliya ooka hadlay qaraxii Nairobi xalay ka dhacay. | XOGMAAL.NET
05212013Headline:

Madaxweynaha Soomaaliya ooka hadlay qaraxii Nairobi xalay ka dhacay.

Madaxweynaha Dowlada Soomaalioya ayaa  tacsi udiray Madaxda dowladda Kenya iyo ehelladii dadkooda ay wax ka soo gaareen Qaraxaasi isagoona tilmaamay in meel looga soo wada jeesto dadka wada falalka ka dhanka ah ammanka waddankaasi Kenya.

 

Xassan Sheekh oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaardaha Adan Cadde ayaa waxa uu sheegay in Qaraxyada Shabaabku ay Kenya kageysanayaan Kenya ay uga aar gudanayaan Taagerada Dowlada Kenya ay siiso Soomaaliya.

” Kooxaha Nabada Diidan Qaraxyada ay Kenya ka geesanayaan waxa ay uga soo horjeedaan Taageerada ay Dowlada Kenaya ay siineyso Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaa ku daray in uu rajeynayo in Cabsi gelinta Shabaab aysan Kenya uga baaqasan doonin taageeradeeda Soomaaliya ,isagoona ugu baaqay Shacabka Kenya iyo kuwa Soomaaliya in ay kawada shaqeeyaan sugida maanka iyo kahaortaga kooxaha nabad diidka ah..

Hadalka Madaxwenaha ayaa imanaya xilii habeenkii Xalay ahaa salaadii ceshaha kadib weerar banbaano oo lagu qaaday irida Masjid ku yaala xaafada Islii ee dalka Kenya caasimadiia ku taala uu geestay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhawac.

What Next?

Recent Articles

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.