kooxo hubaysan ayaa Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay waxa ay ku toogteen qof shacab ah , Dilkaan oo dhacay xalay ayaa wararka waxa ay sheegayaan in niman ku hubaysan Biskoolado ay toogteen xilli uu maraye suuqa Xoolaha ee Magaalada Baydhabo.
Ninkaan ayaa waxaa lala dhacay Xabado dhowr ah taasi oo sababtay ugu dambeyn inuu isla goobtaasi ku geeriyoodo.
Wararka ayaa sheegay in ruuxa la toogtay inuu ahaa arday kamid ah ardayda waxkabarta Magaalada Baydhabo iyadoo ilaa iyo iminka aan la ogeyn sababta ka dambeysa dilka loo geestay.
Maamulka Dowladda ee Magaalada Baydhabo ee Gobalkaasi ilaa iyo iminka faahfaahin kama uusan bixin dilka loo geestay wiilkaasi la sheegay inuu kamidka ahaa ardayda Magaalada Baydhabo.
Ammaanka Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay ayaa wuxuu u muuqdaa mid ka sii daraya maadaama ya ka dhacayaan falal lidi ku ah amaanka magaaladaaasi , ayana ka dhacaan dilal qorsheysan.


