FAAHFAAHIN DHEERAAD AH AYAA KA SOO BAXAY :KHASAARAHA KA DHASHAY QARAXII KA DHACAY ISLII | XOGMAAL.NET
05202013Headline:

FAAHFAAHIN DHEERAAD AH AYAA KA SOO BAXAY :KHASAARAHA KA DHASHAY QARAXII KA DHACAY ISLII

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax waxyeelo gaarsiiyay dad shacab ah oo ku sugnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo xalay masaajid ku yaala xaafada Islii qaraxa lagu weeraray.

Shan ruux ayaa ku geeriyootay halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 15-kale kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad shacab ah kana agdhawaa masaajidka qaraxa lagu weeraray.

ciidamada Booliiska iyo gaadiidka gurmadka deg dega oo Goobta qaraxa uu ka dhacay  durba soo gaaray ayaa bilaabay ka daadgureenta  dadka  dhaawaca iyo dhimashada ka soo gaartay qaraxa.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa waxaa lagu qaarijin rabay Xildhibaanka laga soo doorto Degmada Kamakuujii ee xaafada Islii Yuusuf Xasan oo xilligaasi kasoo baxaye masaajidka Al-hidaaya ee qaraxa lagu weeraray.

Wararka ayaa sheegayaa in Yuusuf Xasan uu soo gaaray dhaawac dhanka lugaha ah iyadoo sidoo kale la sheegayo in dhanka gacanta ahna ay kasoo gaareen dhaawac. Booliiska Kenya ayaa saaka waxa ay howlgal ka wadaan Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Islii oo maalmahan noqotay goob ay ka dhacaan qaraxyo dhibaato shacabka ugeesta.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa waxaa la geeyay isbitaalka guud ee Magaalada Nairobi Kenyata Hospital halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Amaanka Wadanka Kenya ayaa soo xumanayay waayadii danbe iyada oo ay ka dhacayaan weeraro iyo qaraxyo goobo dhoor ah waxaan inta badan ay  ku edeysaa Dowlada Kenya in ay ka danbeeyaan xarakada alshabaab oo ay ka barbart dagaalamaan Dad keenyaan ah.

What Next?

Recent Articles

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.