Qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka xamuulka ah ee ka dhexshaqeeya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dhibaatooyin badan ku qabaan burburka wadooyinka waaweyn ee magaalada gaar ahaan wadada Wadnaha
Darawaladaan ayaa sheegay in wadooyinka magaalada badankood ay ka jiraan burbur xoogan oo saameen ku leh gawaarida xamuulka qaada ee wadooyinkaasi isticmaala.
Waxaa sidoo kale ay tilmaameen darawaladaan in wadada wadnaha ay ka mid tahay wadooyinka sida aadka ah u bur bursan mararka qaarna ay ku rogmadaan gaadiidka xamuulka qaada waa sida ay hadalka u dhigeene.
Dhinaca kale mar la weydiiyay in ay xiriir lasameeyeen maamulada uu xilka ka saaran yahay in ay dayactiraan wadooyinaas ayaa waxa ay kadhawaajiyeen inmaamuladu ay usheegeen in ay dayactir ku sameendoonaan wadooyinka
Intabadan wadada wadnaha ee magaalada muqdish waxaa ka dhaca shilalka baabuurta xamuulka ah kuwaas oo ku rogmada isgoyska bakaaraha iyagoo wadayaashu ay arintaas usababeeya burburka wadadaaasi
Waxaase xusid mudan in ay jiraan arimo kale oo iyagu loo sababeenkaro shilalkaas oo ay kamid yihiin in gawaarida oo si xad dhaaf loo raro iyo qibrad yari dhinaca wadista ah oo darawalada qaarkooda heesata



