Koox Burcad S.African Ah Oo Dhalo Ku Dilay Muwaadin Soomaaliyeed Mid Kalane Dhawacay Duleedka Magalada Pretoria | XOGMAAL.NET
05262013Headline:

Koox Burcad S.African Ah Oo Dhalo Ku Dilay Muwaadin Soomaaliyeed Mid Kalane Dhawacay Duleedka Magalada Pretoria

 

Sida uu Xogmaal u xaqiijiyay Mohamed Adan shiidow oo ku sugan magalada Pretoria  Kooxo burcad koofur afrikaan ah ayaa 24 saac ugu danbeyayay weeraro ay ka geyteen degaanka soshenguve ku dilay ganacsadae soomaaliyeed oo  magaciisa lagu soo koobay Cali Jano Gale kaasi oo ku sugnaa dukaankiisa marxuumka ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dhalo oo ay burcadaasi ku jarjareen qaar kamida halboolayaasha jirkiisa .kadib markii uu damcay in uu iska difaaca weerarka burcada  xili uu qori ula baxay hasa ahaatee ay xabadii uu ku ridi laha ka kadibtay

Sidoo kale Habeen Ka Hor Degaanka mamelodi ee isla magalada Pretoria Kooxo burcad koofur afrikan ayaa weerartay dukaan ganacsi oo ay dhalanyaro soomaali ah joogeen xili habeen saq dhax ah uu xirna dukaanka ayna jiifen dhalanyarada iyagoo ku jabiyay dukaankna uguna galay  waxaana ay halkaasi ku dhawaceen mid kamid ah dhalanyaradii joogtay oo ay gacanta Bir Ay wateen kaga jabiyay

Burcada Koofur afrikaanka ayaa inta badan degaanada ay soomaalida ku ganacsadaan weerar joogta ah u ka geysta iyagoo ujeedkooda yahay inay dhacaan ganacsiga soomaalioda misana dilaan hantiilayaasha ganacsiga iyo dadka ka shaqeeya xili aysan jirin dowlad ama hay,add si toos ah ula xisaabtanta dowlada koofur afrika islamarkaane kala hadasha dilalka wax laga qaban la yahay oo lala bartilmaameedsanaya soomaalida dalkan magangaliyada usoo raadsatay hadane nolashooda ka maareynaya ganasiyo ay abuurteen madaamo xili aysan jirin hay,add qaxooti oo dhaqaala siineysa

 

 

 

Omar Kiyow

Xogmaal.net

George Western Cape

Koofur Afrika

What Next?

Recent Articles

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.