Sheekh Axmed Maxamed Islaam, gudoomiyaha maamulka Kismaayo waxa uu aad oga warwarsanyahay cawaaqib xumada ka dhalan karta malaayiin loor oo dhuxul ah oo wali magaalada taala oo ay saarantahay cunaqabatayn caalami ah.
Isagoo la hadlay koox warfidiyeeno ah oo magaalada booqdey, ayuu sheegey in amni darro ay ka dhalan karto, islamarkaasina dadka kacdoon ku samayn karaan ciidamada nabad illaalinta Afrika ee halkaasi jooga.
“Dadka hantidooda oo dhan ayay ku shubeen meesha, mana jirto il dhaqaale kale oo uu dadka wax kasoo galo, lacagtoodiina halkan ayay kaga jirtaa” ayuu yiri
Sargaal maamulka ka tirsan oo lagu magacaabo Xassan Cilmo Mooge ayaa beesha caalamka usoo jeediyey in ay dadka Kismaayo iyo gobolka ka caawiyaan sidii loosoo nooleyn lahaa kaabayaasha kale ee dhaqaalaha sida kalluumeysiga iyo beeraha.
Xassan Awlibah waa gudoomiyaha ganacsatada Kismaayo, waxa uu sheegey in mabnuucista dhuxusha ay dhulka la gashay ganacsigooda, islamarkaasina saameyn xun ku leedahay.
Guddi 12 xubnood ka kooban oo maamula dekada ayaa sheegey in ay dekada ku xiranyihiin maraakiib maran oo u yimid in ay dhuxusha qaadaan, balse wali meesha iska taagan.


