Port Elizabeth ‘ Ganacsatada soomaalida iyo poliska oo kulan looga hadlaya amaana yeeshay | XOGMAAL.NET
05222013Headline:

Port Elizabeth ‘ Ganacsatada soomaalida iyo poliska oo kulan looga hadlaya amaana yeeshay

kulun balaaran oo ay shalay galinkii danbe xarunta polis Esteshanka kwaza khele ee magalada Port Elizabeth gobolka estern cape ku yesheen ganacsatada soomaalida magaladasi ku nool iyo saraakiisha poliska gobolkaasi ayaa looga hadlay arimo dhawr ah oo quseeya xaalada amaanka ganacsiga soomaalida gobolkas

Kulunka oo ay soo qabanqaabiyeen gudiga ganacsatada soomaalida gobolka estern cape ayaa markii uu furmay kulunka ganacsada soomaalida waxay saraakiisha poliska ugu warameen xaalada amaanka ganacsigooda iyo nafsad ahaantooda

yusuf nuune maxamed yusuf eelay oo kamid ah ganacsatada kulunka la qaadatay poliska ayaa sheegay in poliska ay ku dhaliilsanyihiin in amaan darida soomaalida ganacsigooda lagu hayo ay qeyb ka yihiin isagoo tusaala uso qaatay ganacsade soomaali ah oo dhawaan inta dukaankiisa poliska ugu galeen iyago marsiya ka dhigaya sigaar feg iyo qoryaha sharci la,aanta  ah ayaan raadineynaa ka qaateen lacag dhan 10 kun Oo Rand dabadeedna ay xabsiga u taxabeen inkastoo markii danbe laso dayay lagana qatay lacagti dibna aan logu celin ganacsadahas oo lagu magacabo cusman c/dullahi barqadle

Ganacsada ayaa poliska ka codsay in waqtiga dukaamaha ganacsiga soomaalida la xirayo loo kordhiyo iyadoo haatan dukaamaha la xira saacada wadankan koofur afrika marka ay tahay 8:00 pm  sababa la xiriira amaanka Waxana kulunka inta uu socday saraakiisha poliska Port Eliabeth ay ganacsada soomaalida u ogoladeen in saacad ay ugu daraan waqtiga xiritaanka dukaamaha ganacssiga soomaalida lana xiri hayo 9:00 pm

Kulunka oo ahaa mid aad u muhim ah ayaa kusoo gabgaboobay is fahan labadana dhinac ay gareen iyago isku af garty in labada dhinac xiriirka ay wada xoojiyaan si amaanka ganacsiga soomaalida uu ugu nabad gala kooxaha burcada ah ee weerara goboha ganacsiga soomaalida

Omar Kiyow

George  western cape

Koofur Afrika

What Next?

Recent Articles

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.