Oday 82 jir ah oo toogtay nin jabinayay albaabka dambe ee gurigiisa oo la sheegay in uu xiriir kala dhaxeeyay gabadhiisa
nin ay sheegeen booliska in uu isku dayay in uu jabsado guri ayaa la toogtay kaasoo oo uu toogtay milkiilihii guriga iska lahaa balse booliska ay gacanta ku dhigeen ninkii milkiilihii guriga
Tyler Orshoski oo ahaa 23 jir ayaa la toogtay habeenkii axadda toogashadan ayaa ka dhacday guri ku yaala xaafada woodland avenue oo ka tirsan magaalada daytona beach ee gobolka florida ee dalka mareykanka
madaxa ciidanka booliska magaalada daytona beach oo lagu magacaabo mike chitwood ayaa usheegay wargeys ka soo baxa gobolka florida in milkiilaha guriga charles robbins oo 82 jir ah uu arkay nin isku dayay in uu soo jibiyo albaabka dambe ee gurigiisa wuxuuna si dagan u hubsaday dad ama xayawaan waxa uu yahay kadib markii uu ogaaday inuu yahay nin jabinaya gurigiisa ayuu soo qaatay qori kadibna uu toogtay ninkii
hayeeshee ninkan la toogtay tyler oo ka soo jeeda magaalada holly-hill ee gobolkaasi florida ayaa la sheegay in aanay naft dhul la dhicin oo uu durba geeriyooday balse booliska ayaa su’aalo weydiin-doonaa sida ay wax u dhaceen
isku-soo wada duub lama hubo in uu ninkan ahaa tuug jabsanayay guriga laakiin wararka qaar-kood ayaa sheegaya in uu xiriir hoose kala dhaxeeyay gabar uu odayga dhalay hasa-haatee baarista ayaa socota
Abdi Nasir Ahmed Aden
naasirdc@hotmail.com
Doha-Qatar


