Waaxda socdaalka iyo dulimaadka wadanka koofur afrika ayaa dib u ogolatay in lagu baxo waraaqadahihi Go Home-ka soomaalida ay dalkooda dib ugu laaban jireen kadib in muda ah oo ay hakat galiyeen hay,adaha socdaalka qaabilsan ee wadankan koofur afrika
Wararka laga helaya xafiisyada socdaalka magalada johannesburg ayaa sheegaya in haatan la bixinaya waraqadaha Go home-ka lana siinaya dadka soomaalida ah ee dalkooda hooyo dib ugu laabanaya madaamo in muda ah soomaali aysan ka dhoofin garoomada dalkan
Boqolaal soomaali ah oo dooneysa inay dalkooda hooyo dib ugu laabtaan ayaa haatan buux dhaafiyay xarumaha lagu bixiyo waraqadaha Go homeka iyadoo saacadihii ugu danbeyay ay dad badan ka dhoofeen garoomada wadanka gaar ahaan magalada johannesburg inkastoo la sheegaya in qeymaha tikidka la qaliyey lagana dhigay 8500 RAND halka markii hore lagu bixi jiray lacag dhan 6500 Rand
Si Kastaba In dib loo ogolada waraqada Go Home-ka ayaa waxa dadaal u galay jaaliyadaha soomaalida dalkan iyo ganacsatada soomaalida oo ka xumaday xayiraada dhanka socdaalka soomaalida lagu soo rogay waxana arintan si weyn uso dhaweyay kumanaanka soomaalida ah ee dalkan ku nool oo qaarkood hami ka qaba in dalkooda hooyo oo ay muda ka maqanyihiin ku laabtaan si ay ehelkooda nolasha ula qeybsadaan
Wariye
Omar Kiyow
cumar065@hotmail.com
Xafiiska wararka
Xogmaal.net
George Wesren Cape
Kofur Afrika


