Haweeney waalan oo kufsi iyo dil ay isugu dareen kooxa manaxayaal ah | XOGMAAL.NET
05222013Headline:

Haweeney waalan oo kufsi iyo dil ay isugu dareen kooxa manaxayaal ah

Haweeney lagu magacaabo Bikita da’deedana lagu sheegay 37-sano ayaa kooxa aan heybtooda lagaran ay ku fara xumeeyeen halka lagu magacaabo Beitbridge-Masvingo iyaga oo kadibna kharijiyay.
Kooxaha arintaan layaabka leh fuliyay ayaa waxa ay meydka haweeneydaan kutuureen dhul keyn ah oo u dhawaaa meesha ay sida qasabka ah ugu xoogeen
Police-ka Zimbabwe ayaa sheegayin ay baaritaan ku hayaan kooxihii falkaan layaabka leh kula kacay haweeneyda qalbiga ka xanuunsaneed.
Waxa ay sidoo kale sheegeen saraakiisha police-ka in meydka haweeneydaan lageeyay isbitaal kadibna la’ogaaday in ay faraxumeeyeen kadibna toorey kudileen.
Meydka gabadhaan waxaa soo helay rag watay gaari kuwaas oo police-ka kuwar geliyay dhacdada.
Haweeneydaan ayaa waxaa lagu gartay baasaboor ay wadatay iyo taleefanada qoyskeeda oo ugu qornaa book note kuwaas oo markii loo wacay qiray in haweenydaani ay waalneed isbuuc dhanna ay kamaqneyd.
Gacal Xuseen Gacal Ayman
Wariyaha Arimaha Bulshada
Aymancade@hotmail.com

What Next?

Recent Articles

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.