Soomaalida Ku Ganacsata Degaanada Isku Raranka,Iyo Tuuloyinka Fof Fog Ee Koofur Afrika Oo Logu Baqay Inay Feejignaan Dheer Ah Galaan | XOGMAAL.NET
05202013Headline:

Soomaalida Ku Ganacsata Degaanada Isku Raranka,Iyo Tuuloyinka Fof Fog Ee Koofur Afrika Oo Logu Baqay Inay Feejignaan Dheer Ah Galaan

 

Iyadoo la guda galay bishii ugu danbeysay sanadka 2012 islamrakane maalimo qur ah ay ka harsantahay sanadka cusub ee 2013 ayaa bisha ugu danbeysa sanad walba xaalad wal wal leh ay soo wajahdaa soomaalida ku nool dalkani koofur afrika madaamo ay kooxaha burcad koofur afrikaanka ay xiliyadani oo kale maleegaan qorashayaal ay ku weerarayaan goobaha ay ganacsiyada kala duwan soomaalida ku leeyihiin

Qaar kamid ah waxgaradka ,Culima,udiinka,iyo Ganacsatada Soomaalida Ayaa ugu baaqay ganacsatada dukaamaha ku leh tulooyinka fog fog iyo degaanada halista ah inay foojignaan dheer sameyaaan si ay ugu taxadiraan qorashayasha Kooxaha gangiska ah oo xiliyadan oo kale isku daya inay boob,dhac iyo dil u geystaan soomaalida ganacsiyada ku leh deganada halista ,ama isku raranka ah si ay u helaan lacago ay xiliga sanadka cusub ee Crismiska ku tuntaan

Abdi Yare Abdulle Aadan  waa ganacsade ku nool Gobolka Western cape mar uu la hadlayay Xogmaal ayuu sheegay in wadankan xiligan oo kale dhacdoyin fool xun ay burcada koofur afrikaanka geysan jireen iyagoo oo u jeedkoodu yahay inay helaan lacago ay ku tuntaan ama ku bashaalan habeenka crismiska ee sanadka cusub balse waxa uu sheegay in loo baahanyahay in soomaalida ay taxadir sameyaan si ay ugu bad badaan kooxaha burcada ah

Isago oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu soomaalida ku ganacsato Degaanada ka fog magaloyinka ugu baqay inay is kaashi sameyaan islamarkane isku gurmadaan hadii qof walaalkooda ah ay dhibaato amaanka xagiisa soo wajahda

Inkastoo haatan ay muuqata in ay yaradeen weeraradii Kooxaha gangiska hadane inta badan ganacsatada soomaalida waa kuwa walbahaarsan oo ka cabsi qaba in la weeraro naftooda iyo hantidooda waxana deganada qaar ay soomaalida sameyeen xiriir dhanka poliska marka ay la kulmaan xaalada deg deg ah lakin magaloyinka ama degaanada qaar soomaalida waxay cabasho ka muujiyeen numberada  poliska ee imergence Number  oo aan laga jawabeynin ama la qabaneynin hadii la qabtane loo sheegaya in loo imanaya inkasto aysan dhicin badana in polis ay u tagaan dadka soo wacay oo la kulma xaalada adag.

Sidoo kale sida uu kusoo waramayo wariyaha shabakada xogmaal ee magaalada Cape Town maxamed Cabdi Keynaan ayaa sheegaya in soomaalida qaarkood ay qaateen hub sharci ah iyo kuwo kale oo soo kiraystay waardiyaal ka hor taga difaaca hantida iyo nafta Soomaalida Koonfur Africa.

Wariye

Omar Kiyow

cumar065@hotmail.com

George– Western Cape

Koofur Afrika

What Next?

Recent Articles

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.