Maan iskaba daayo(Gabay murti ku dheehan tahay oo kahadlaya Sidii uu Abwaan… | XOGMAAL.NET
05252013Headline:

Maan iskaba daayo(Gabay murti ku dheehan tahay oo kahadlaya Sidii uu Abwaan…

 

Dhibaatada Qaadku ku hayo Ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan dumida ayaa sii ko0rdhacaysa, iyadoo arintan si weyn looga dareemay meel kasta, hadaba waxaan idiin soo bandhigaynaa gabay murti ku dheehan tahay oo kahadlaya Sidii uu Abwaanku Qaadka isaga daayey

 

( kudayo  oo iska daa Qaadka )

Abwaan Maxamed Dhafane Cilmi Wuxuu yiri !

Duhurkii markuu soo dhacoo qaylo kor u duusho

Qofwaliba wuxuu doonayaa inuu far duubtaaye

Haddii aan danyare ahay anigu duunyo aan dhaqanin

Dahabshiilna laysoo dhigayn doolarkii lacagta

Docka tuurka barabaraha aan laygu darajaynin

 

Dawo malahan oo meel xunbuu igu danbaysiine

Intaan dayday xayraami laa maan iskaba daayo,.

 

Doondoonistiisii adoo daal la socon waayay

Casar dabadi uurbeys haddii lagula soo doonto

Darintiyo sigaarkaba markii aad dabari waydo

Dagi maysid oo shaahi baa kaaga sii darane

Darmuus uu nin iibsaday intaad koob la daba joogto

Dawo malahan oo meel xunbuu kugu danbeysiine

Dawarsiga intaan baran lahaa maan iskaba daayo,.

 

Adigoo doraad cunay shalana calafku kuu diiday

Haddii maanta lagu daba marshoo dani ku seegsiiso

Durba seexan mayside waxbaa diidan gama iiye

Dubaab aadan arag iyo dhiqlaa diirka kaa xuliye

Balo aan la daalacan ayaad dila tiraahdaaye

War duqii mawaasheey ku oran dariska kuu dhow,e

Jin intaan dagaalami lahayn maan iskaba daayo,..

 

Beri baan dabarayaa haddii lagugu sii daayo

Asaad doorka doorkiisa kale soo dalici waydo

Dukaanbaa la xiray iyo la diid daynta iga dhawre

Dumarkiyo ragaas gadahaa waa dir dhagaloode

Inkastood daroorido dhaguhu uma daloolaane

Dacalada nin suuq lagu dhagana waa damiir xumiye

Intii sharaftu iga duuli layd maan iskaba daayo,..

 

Cibaado iyo diin seeg nin qaad dabada haystaaye

Daruus iyo tacliin waa horey kala dalaafeene

Dookhiisu waa maalintaa kuu daldalayaaye

Inkastoo daruurtiyo marqaan dayaxa gaarsiiyo

Dib ayuu shalaayaa markuu daanka mariyaaye

Dariiqyada ayuu uga go’aa daymihii hore,e

 

Duligaas intaan qabi lahaa maan iskaba daayo,.

 

Dadkoo seexday layl dama ayaad dibada meertaaye

Waxaad daris la noqotaa intii doorsan aadmiga,e

Daryaankiyo sarqaankaad la tahay ul iyo diirkeede

Ilaa waagu daalacana waad wada dikaysaane

Haddii aan dil dhicinoon midkiin meesha lagu dooxin

Wixii diintu diidiyo sinaa lagu danbaysiine

Intii aan dibood noqon lahaa maan iskaba daayo,.

 

Kolkii ay dareerraan ardadu oo dugsiga aado

Daakiraada waaberi markii shaqo la doondoono

Dadabtii ilmaha laga kacshaad dib ugu guurtaaye

Ilaa uu kan kale soo dagana waa dug xaajaduye

Duqda lagu halayn reerka oo howsha lagu daynin

Dullaa laga dhaxlaa biilki aad dumar ka dhowrtaaye

Intii aan dayici laa xilkay maan iskaba daayo,.

 

Haddaad daaqdo qaadkood misana daynba kari waydo

Dadku kuma ciseeyoo dhamaan waa ku durayaane

Dawdar iyo waxay kugu xusaan danihi ruux mooge

Dunna laguma aamino ninkay dadartu waashaaye

Adigoo da’weynoo xiradu dayrtay madaxaaga

Dukaankii ad dalab ula tagtaa diiday buu orane

Intii aan damiin dayi lahaa maan iskaba daayo,.

 

Waxaa lagu daneeyaa intaad duunyo leedahaye

Haddii aad dalaaftana ma jiro ruux ku dayayaaye

Mar hadduusan diintii ilaah kugula dooyaynin

Saaxiibka dunidaani waa daanka igu raace

Ninkii aadan qaadkiisa dirin ways dibiriyaaye

Maxaad ii dabari waydaybuu kuugu dudayaaye

Mooryaan intaan dumi lahaa maan iskaba daayo,.

 

Dumar lagama maarmee midii calafku kuu dooro

Haddii waalid kuu doono oo laydin darajeeyo

Oo daarcad laydiin goglood kula damaashaado

Durbaan iyo mashxarad iyo kolkii gaaf ladiriteeyo

Aroos laguma daahee markii la isu kiin daayo

Qaadiro ninkii daalanaa doorki gudan waaye

Intii aan dabyare noqon lahaa maan iskaba daayo,.

 

Ilkahoo ku daatiyo afkoo daasad noqonaaya

Muuqaal darnaan kugu dhacdiyo midabka oo dawra

Madaxoo ku diirmiyo tintoo badiba kaa duusha

Durey aan marnaba kaa baxayn daa,in abidkaaba

Dalan baabi socodkoo noqdood saan daldali waydo

Dabeecadaha qaad weeye iyo dagaladiisiiye

Darbi jiif intaan noqon lahaa maan iskaba daayo.

 

Waxaa Soo diyaariyey

Abukar  Awale ( Qaad diiD

Gudoomiyaha Ladagaalanka Qaadka.

What Next?

Recent Articles

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.