Cirbixiyeeno iyo xidigis ku shirey Pretoria | XOGMAAL.NET
05232013Headline:

Cirbixiyeeno iyo xidigis ku shirey Pretoria

Kadib markii Koonfur Afrika ay ku guuleysatay in ay martigaliso mashruucii ugu balaarnaa ee aduunka ee sahminta cirka ayaa waxaa magaalada Pretoria lagu qabtay shir labbo maalmood ah oo ay ka qeybgaleen cirbixiyeeno iyo xidigis ka kala yimid daafaha dalka.

Waxaa shirkani lagu qabtay jaamacadda Pretoria, waxaana soo agaasimey machadka cilmibaarista seeyniska qaranka, iyo wasaaradda seeyniska iyo tiknoolajiyadda.

Waxaa shirkani lagu falanqeeynayaa mashruuc malaayiin doolar ay ku kacayso oo ka dhaxeeya 20 dal, kaasoo lagu sahminayo cirka qalab dhulka lagu rakibay oo dooshas iyo xoqado ama toorabiino waaweyn ah, kaasoo loo bixiyey SKA (Square Kilometre Array) ama Illeyska Kiilomitirka labbo jibaaran.

Waxaa mashruucani fadhigiisu yahay deegaanka lamodegaanka ah ee Karoo loo yaqaano ee Northern Cape ka tirsa, kaasoo loo xushey taagnimadiisa iyo halka uu cirka kaga beeganyahay oo ah xagal toosan oo aanan cirka waxna kaga dadbanayn.

Mashruucani ayaa lagu tilmaamay in uu yahay mid qaaradda Afrika oo dhan ay ku faani karto, kana turjumaya kobaca cilmiga seeyniska ee Afrika. Waxaa xusid mudan in Koonfur Afrika ay martigalinta mashruucani kaga guuleysatay dalka Australia.

Xog-Maal

What Next?

Recent Articles

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.